Puntland oo sameysay Sanduuqa Taakulada ololaha ka hortaga Covid-19

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga dowladda u qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus.

Guddoonka labada Guddi ayaa warbixin siiyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxayna ka warbixiyeen xaaladda guud ee Amniga Puntland iyo sida loogu diyaargaroobey ka hortaga cudurka Coronavirus ee adduunka ku fidaya.

Kulankan oo intiisa badan looga hadlay sidii Puntland, Dowlad iyo Shacaba loo xoojin lahaa ka hortaga cudurka Caronavirus, waxaa laga soo saaray go’aano horleh oo lagu caddeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay shirka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in la sameeyay Sanduuqa Taakuleynta, kaasoo dowladda Puntland ay durba ku shubtay boqol kun oo Doolar, taasoo ah qoondadii ugu horeysay ee xukuumadda u diyaarisay.

Intaas waxaa wehlisa in la joojiyey basaska isaga kala goosha magaalooyinka kala duwan ee Puntland, iyaddoo ciidamadda la faray in ay dhaqan-geliyaan amaradda cusub.

Go'aanada waxaa qeyb ka ah in bandow lagu soo rogay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha si lamid ah in la balaariyey Guddiga ka hortagga iyo u diyaar-garowga caabuqa dilaaga ah ee Covid-19, kaasoo fara kulul ku haya aduunka oo dhan.

Hoos ka akhriso bayaanka

Image may contain: text

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM