Puntland oo baaq ku aadan doorashadda maamulada u dirtay DF

Image

GAROWE, Puntland - War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha Puntland ayaa looga hadlay habraaca ay xukuumada federaalka u sameysay doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland.

Habraacaasi ayaa wuxuu farayaa maamulka Jubbaland in doorashada ay ka qabsoonto midkood Akadeemiyada Booliska ama xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Kismaayo.

Hasa ahaatee, maamulka Axmed Madoobe oo ku tartarsiiyey dowladda in ay faraha kala baxdo doorashada maamulkaasi ayaa xusay in guddiga heer gobol uu maamulayo.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, Puntland ayaa waxay uga digtay dowlada federaalka ah "farogelinta qaawan" ee ay ku sameyneyso cod-bixinta maamul goboleedyadaasi.

Dowladda Puntland ayaa soo jeedisay in lagu dhaqmo lana dhowro dastuurka dalka u degan, kaasoo qeexaya awoodaha maamulada iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Doorashada Jubbaland ayaa loo madal-san yahay in ay qabsoonto bisha Agoosto 24-keeda xili ay haatan socoto soo xulista Xildhibaanada cusub ee dooranaya gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM