Puntland oo balanqaad u sameysay dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Ayaan Xassan Ducaalle oo ah Gabar 7sano jir ah oo araga naafo ka ah, taas oo Maalmo ka hor Fariin Maanso ah u soo dirtay Madaxwaynaha, si wax looga qabto xaaladda nololeed ee iyada iyo dadka ay isku baahida yihiin.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Mudane Maxamed Ceydiid, xubno ka mid ah Ganacsatada Puntland, Xaawo Jaamac Cabdi oo iyana ka mid ah dadka araga naafada ka ah, una ololeysa dadka araga la' iyo Qoyska Ayaan Xasan Ducaalle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa balan qaaday inuu ka caawin doono Ayaan Xasan Ducaalle in ay hesho Dhakhtar dibedda ah.

Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Dowladdu wax ka qaban doonto Xaaladaha Nololeed iyo Waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee nool Puntland.

Ugu danbeyn Ayaan Xasan Ducaalle ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabilay, waxayna ka mahadcelisay in Madaxweynuhu uu wax ka qabanayo Xaaladeeda Caafimaad iyo guud ahaan nolosha dadka araga naafada ka ah.

MUUQAALKA KULANKA

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM