Puntland oo been abuur ku tilmaantay war kasoo yeeray Somaliland

Image

GAROWE, Puntland – Dawladda Puntland ayaa waxay war aan sal iyo raad lahayn ku tilmaantay sheegasho ka timid wasiirka warfaafinta Somaliland.

Saraakiisha Maamulka Hargeysa ayaa Axadii magaaladda Taleex kusoo bandhigay askar  ay ku sheegeen in ay kaga soo biireen dhanka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, ayaa warkaas ku qeexay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Ciidamada lasoo bandhigay ayaa tiradoodu lagu sheegay wadar ahaan 150 askari.

Cali Axmed Sabarey, wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa yiri "waxay ahaayeen maleeyshiyaad ay dareeska ciidanka u soo geliyeen".

"Iyagaaba ku jira qalalaaso siyaasadeed maxay ciidamo kala wareegaan Puntland," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka oo warfidiyeenka la hadlay.

Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah oo ku aadan gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Labadda maamul oo xifaaltankooda tobanaan sano marayo ayaa waxaa goboladaas u kala jooga maamulo ugu kala magacaaban.

Shaacinta Somaliland ayaa timid markii aagaas uu tegay Wasiirka Beeraha, Saleebaan Koore, oo aad ugu dhow Muuse Biixi Cabdi.

Biixi ayaa wajahaya madax xanuun ku aadan doorashooyinka baarlamanka iyo dowladaha hoose, iyadoo khilaaf uu ka taagan yahay muddo kordhinta baarlamaanka iyo Guurtida, taasoo beesha caalamku diidey.

Xisbiyadda mucaaradka ayaa ku goodiyey in ay taageereyaashooda ugu baaqayaan joojinta canshuurta hadaan la qaban doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM