Puntland oo been abuur ku tilmaantay war kasoo yeeray Somaliland

Image

GAROWE, Puntland – Dawladda Puntland ayaa waxay war aan sal iyo raad lahayn ku tilmaantay sheegasho ka timid wasiirka warfaafinta Somaliland.

Saraakiisha Maamulka Hargeysa ayaa Axadii magaaladda Taleex kusoo bandhigay askar  ay ku sheegeen in ay kaga soo biireen dhanka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, ayaa warkaas ku qeexay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Ciidamada lasoo bandhigay ayaa tiradoodu lagu sheegay wadar ahaan 150 askari.

Cali Axmed Sabarey, wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa yiri "waxay ahaayeen maleeyshiyaad ay dareeska ciidanka u soo geliyeen".

"Iyagaaba ku jira qalalaaso siyaasadeed maxay ciidamo kala wareegaan Puntland," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka oo warfidiyeenka la hadlay.

Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah oo ku aadan gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Labadda maamul oo xifaaltankooda tobanaan sano marayo ayaa waxaa goboladaas u kala jooga maamulo ugu kala magacaaban.

Shaacinta Somaliland ayaa timid markii aagaas uu tegay Wasiirka Beeraha, Saleebaan Koore, oo aad ugu dhow Muuse Biixi Cabdi.

Biixi ayaa wajahaya madax xanuun ku aadan doorashooyinka baarlamanka iyo dowladaha hoose, iyadoo khilaaf uu ka taagan yahay muddo kordhinta baarlamaanka iyo Guurtida, taasoo beesha caalamku diidey.

Xisbiyadda mucaaradka ayaa ku goodiyey in ay taageereyaashooda ugu baaqayaan joojinta canshuurta hadaan la qaban doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM