Maxyadiin: Ciidamado gadoodsan ma qabsan Bangiga Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Taliska Booliska ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in ciidamo gadoodsan ay maanta qabsadeen Bangiga magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Muxyadiin Axmed Muuse, taliyaha bileyska Puntland, ayaa sidoo kale beeniyay in ciidamada aysan qaadan mushahar bilooyinkii lasoo dhaafay, isaga oo xusay in ay si toos ah u helaan xuquuqdooda.

"Arrimahaasi waxba kama jiraan, waa kuwa baraha bulshada lagu buun-buuninayo ... ciidamada mushahar way qaateen, bishaana way heli doonan," ayuu ku jawaabay markii wax laga waydiiyay warkaan.

Dhanka kale, taliye Muxyadiin ayaa carabka ku dhuftay in amaanka Boosaaso uu kasoo hagaagayo sidii hore, ayna laamaha amaanka si joogto ah u sameeyaan howlagada lagu sugayo nabad-gelyadda.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay rag dhowaan bam-gacmeed ku weeraray fariisin ay ciidamada ku leeyihiin bartamaha caasimada ganacsiga Puntland.

Xukuumada madaxweyne Deni ayaa shaacisay in ay ahmiyada koowaad siineyso amaanka, gaar ahaan sidii loo xasilin lahaa Boosaaso, oo sanadihii u dambeeyay uu liitay amaankeeda.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmaya iyada ay jirtay hadalheyn ku aadan in ciidamo ka gadoodsan mushahar la'aan ay qabsadeen Bangiga Boosaaso, taasi oo haatan noqotay waxba kama jiraan.

"Ciidamadeena meel ma qabsadaan markay cabasho qabaan ... way noo yimadaan wayna soo bandhigaan," ayuu ku nuux-nuux saday taliye Muxyadiin, oo war-fidiyeenka u waramay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA TALIYAHA

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM