Maxyadiin: Ciidamado gadoodsan ma qabsan Bangiga Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Taliska Booliska ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in ciidamo gadoodsan ay maanta qabsadeen Bangiga magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Muxyadiin Axmed Muuse, taliyaha bileyska Puntland, ayaa sidoo kale beeniyay in ciidamada aysan qaadan mushahar bilooyinkii lasoo dhaafay, isaga oo xusay in ay si toos ah u helaan xuquuqdooda.

"Arrimahaasi waxba kama jiraan, waa kuwa baraha bulshada lagu buun-buuninayo ... ciidamada mushahar way qaateen, bishaana way heli doonan," ayuu ku jawaabay markii wax laga waydiiyay warkaan.

Dhanka kale, taliye Muxyadiin ayaa carabka ku dhuftay in amaanka Boosaaso uu kasoo hagaagayo sidii hore, ayna laamaha amaanka si joogto ah u sameeyaan howlagada lagu sugayo nabad-gelyadda.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay rag dhowaan bam-gacmeed ku weeraray fariisin ay ciidamada ku leeyihiin bartamaha caasimada ganacsiga Puntland.

Xukuumada madaxweyne Deni ayaa shaacisay in ay ahmiyada koowaad siineyso amaanka, gaar ahaan sidii loo xasilin lahaa Boosaaso, oo sanadihii u dambeeyay uu liitay amaankeeda.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmaya iyada ay jirtay hadalheyn ku aadan in ciidamo ka gadoodsan mushahar la'aan ay qabsadeen Bangiga Boosaaso, taasi oo haatan noqotay waxba kama jiraan.

"Ciidamadeena meel ma qabsadaan markay cabasho qabaan ... way noo yimadaan wayna soo bandhigaan," ayuu ku nuux-nuux saday taliye Muxyadiin, oo war-fidiyeenka u waramay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA TALIYAHA

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM