Puntland oo beenisay in DF lacag ugu deeqday dhismaha Jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa beenisay war kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya, oo ahaa inay lacag ugu deeqday mashruuca dhisamaha jidka isku xira Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland maalintii Shalay, ayaa lagu sheegay in warka kasoo baxay Villa Somalia ee ah inay $1500,000 [Hal Milyan iyo Shan boqol oo Kun oo Dollar] ugu deeqday mashruucan uu yahay "libin sheegasho been ah".

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa 22-kii bishan warqad uu u diray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle uga dalbaday in $1500,000 oo ah qeybta Puntland uga soo aaday deeq dibadda ka timid ku wareejiso gudiga dhismaha wadada.

Qoraalka Madaxtooyadda Puntland ayaa muujinaya in dowladda Federaalka aysan fulin dalabka Gaas, kaasoo kusoo beegmaya xilli khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu kala dhaxeeyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM