Puntland oo beenisay in uu kordhay qiimaha Gaaska

Image
Tani ayaa jawaab u ah hadalheyn baraha bulshada qabsatay saacadihii lasoo dhaafay.

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa gaashaanka waxay ku dhufatay wararka saacadihii lasoo dhaafay soo baxay ee ku aadan in uu kordhay qiimaha Gaaska lagu kariyo cunnadda.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga Puntland ayaa lagu xusay in go'aankan uu ku saleysan yahay baaris ay ku sameysay cabashada dadweynaha.

Sida ku xusan qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda laguna daabacay ciwaankeeda Facebook-ga, wasaaraddu waxay "mar walba diyaar u tahay in ay xaliso cabashadda bulshadeeda".

Baraha bulshadda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa hareeyay warbixino ku saabsan in qiimaha Gaaska uu gaarey $50. Dadweynuhu waxay sheegeen in qiimaha uu yahay "mid xad-dhaaf ah".

Wasiirka Arrimaha-gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad oo ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa wuxuu boggaadiyey in dadweynuhu ay cabashadooda la wadaagaan dowlada.

"Waxaan bogaadinayaa Shacabka Puntland ee masuuliyiinta Dowladda u wacaya in wax laga qabto qiime kororka Gaaska wax lagu karsado," ayuu yiri kahor inta aysan soo bixin jawaabta dowladda.

Gaaska lagu karsado cuntada ayaa bedelay dhuxusha oo si weyn looga isticmaali jiray dhulka Soomaalida. Hoos-u-dhac ku yimid isticmaalka dhuxusha wuxuu fursad u noqdey yareynta jaritaanka degaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM