Puntland oo beenisay warar laga faafiyey Deni iyo Karaash

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], ayaa wuxuu qashinka ku daray wararka sheegay in uu khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha dowladda, Saciid Cabdullaahi Deni.

Karaash ayaa hadalkaas ka dhawaajiyey xili uu maanta qeybo kamid ah war-fidiyeenka kula hadlay magaaladda caasimada ah ee Garowe.

"Waxaan maqlayey madaxweynihii iyo madaxweyne ku xigeenkii baa is-haya, feer baa leys kala daalay waa la kala kacay, dowladaa la dhisayaa, waa leysku diidey, waxaa waxba kama jiraan," ayuu carabka ku dhuftay.

Warbaahinta tabineysa xogahaas "been abuurka ah" ayuu ku waaniyey in ay "xishoodaan", isagoo dadweynaha ku booriyey "in aysan dhageysan" saxaafada baahineysa warbixinadda nuucaas ah.

"Warkaas waxba kama jiraan, waqtigaanna ma ahan waqti wax la taabtaabto [isbedelo la sameeyo]," ayuu tibaaxay xili uu hoosta ka xariiqay in ay ku mashquulsan yihiin xakameynta fayruska Corona.

Degaanada Puntland ayaanan wali laga soo sheegin kiis la xiriira xanuunkaas, balse waxaa jira dad laga waayey kadib markii la baarey.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa soo warisay todoba kiis, oo laba kamid ah ay ka jiraan degaanada maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, kuwaas oo ka jira magaalooyinka Burca iyo Berbera.

Guud ahaan caalamka, cudurka Covid-19 ayaa ku dhacay dad tiradoodu kor-u-dhaafeyso in ka badan hal milyan; waxaa u geeriyooday in ka badan 70-kun oo ruux; intaas waxaa wehlisa in ay kasoo kabteen ku dhowaad 200-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM