Puntland oo caddeysay mowqifkeeda shirarka shidaalka Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowlada Puntland ayaa waxay war kasoo saartay shirarka looga hadlayo shidaalka iyo kheyraadka dalka Soomaaliya.

Sidda ku cad war-saxaafadeed ku taariikheysan 14-ka bishaan April, ma jirto cid ay Puntland u wakiilatay ka qaybgalka shirarkaasi.

"Cid alaale cidii daneenaysay arrimahaasi waxay lasoo xiriiri kartaa wasaaradatan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa si toos ah loogu diray wasaarada shidaalka heer federaal iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka ah, Xaan Cali Khayre.

Hadalka kasoo yeeray wasaarada ayaa imaanaya iyada oo Madaxwayne Deni uu horey uga dhawaajiyay in aysan jirin cid Puntland wakiil uga ah arrimaheeda gaarka ah.

Si lamid ah waxaa bayaankaan uu imaanaya xili bishii Febraayo ee sanadkaan magaalada London lagu qabtay shir looga hadlay shidaalka Soomaaliya.

Shirkaasi oo lagu soo bandhigay xirmooyin shidaal ayaa dhaliyay xiisad ka dhex qarxday Muqdisho iyo Nairobi oo ahayd in lagu xaraashay saliid ku jirta dhul badeed ay Soomaaliya leedahay balse ay Kenya muran gelinayso.

Intaasi waxaa wehlisa in xukuumada Khayre ay ic-laamisay in shirar kale oo looga hadlayo shidaalka Soomaaliya ay ku qabaneyso bilooyinka soo aadan magaalada Istanbul ee caasimadda wadanka Turkiga.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM