Puntland oo dagaalka Dhumay ku eedeysay Somaliland

Image

GAROOWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa ku eedeysay maamulka Somaliland dagaal beeleedka dib uga qarxay Koonfurta Gobolka Sool, kaasoo u dhaxeeya labo beelood oo halkaasi wada degan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland, ayaa lagu sheegay in dagaalka sokeeye ee ka socda Dhumaay uu abaabulkiisa iyo kicintiisa uu leeyahay maamulka Hargeysa, ee Somaliland.

Dagaalka aroortii hore oo maanta ah ayaa inta la hubiyey waxaa ku geeryootay ugu yaraan 8 ruux oo dhinacyadda diriray ah, halka dhaawaca la sheegayo inuu intaas ka badan yahay, sida uu xogta ku helay warsidaha Garowe Online.

“Colaadan soo noqnoqotay waxaa abuulkeeda iyo kicinteeda iska leh maamulka Hargeysa ee cadawga ku ah, nabadda, xasiloonida iyo jirirtaanka shacabka xigtada ah ee halkaasi wada dega,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dagaalka ayaa dib usoo cusboonaaday kadib markii ay burbureen wadahadalo ay garwadeen ka ahayd Somaliland, kuwaasi oo la doonayey in lagu soo afjaro colaadda daxaleystay ee u dhaxeysa beelaha walaala ah ee diriray.

Qoysas badan ayaa ka qaxay dagaalka ka billowday Degaanka Dhumay, oo qiyaastii 40-KM dhanka Koonfur uga beegan yahay magaalada Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool.

Mas'uuliyiinta ay kasoo jeedaan beelaha Bah-hararsame iyo Qayaad ee ka tirsan maamulka Puntland, ayaa ku guuldareystay inay xaliyeen, iyaga oo ku mashquulay sidii ay dib ugu noqon lahaayeen, maadaama waqtigoodii uu ka dhamaaday.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDK:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM