Puntland oo dalbatay in laga qayb geliyo wadahadalka DF iyo Somaliland

Image
Image

GAROWE, Puntland - Dowlada Puntland ayaa cod dheer ku dalbatay in laga qayb geliyo wadaxaajoodyada u bilaaban raba dowlada federaalka iyo maamulka Somaliland, sida ku war-murtiyadeed laga soo saarey shirka jiheynta siyaasada ee xukuumada Deni.

Shirkaan oo socday saddexdii cisho ee lasoo dhaafay ayaa lagu falanqeeyay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasada ay ku shaqeynayso xukuumada cusub.

Sidda ku cad war-murtiyadeedka, Puntland ayaa adkeynaysa midnimada Soomaaliya, nidaamka federaalka, hirgelinta hanaanka xisbiyada badan oo uu wadanku hiigsanayo iyo dhameystirka dastuurka.

Maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowlada dhexe waxay inta badan isku qabtaan qodobo dastuuri ah oo xeerinaya in labada dhinac ay iska talageliyaan marka ay galayaan heshiisyo masiiriga ah.

Xubnaha shirka maanta lagu soo xiray Garowe ka qaybgalay waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyada ay leedahay in dowlada iyo maamulada ay xiriir dhow yeeshaan, ayna iska talageliyaan heshiisyada saameynaya degaanadooda.

"Sidaasi awgeeda, Puntland waa in ay qayb ka tahay wadahadal walba oo saameynaya degaanadeeda, gaar ahaan wadahadalada u dhaxeeya dowlada federaalka iyo Somaliland," ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland iyo Puntland oo wadaaga xuduud ayaa waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah oo ku saabsan gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasoo ciidamo ay ka kala joogaan.

Dhowaan ayay ahayd markii degaano ka tirsan gobolka Sanaag ay ciidamada Somaliland yimaadaan, talaabo uu si adag u cambaareeyay Madxwayne Deni oo wacad ku maray in uu difaaci doono dhulka iyo dadka Puntland.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM