Puntland oo heshay doon kalluumeysi oo lagu waayey Badda Cas

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa waxay ku guuleystay in ay dib u hesho doon kalluumeysi oo lagu waayey xeebaha Badda Cas.

Doontan oo laga soo helay meel 70-mile u jirta xeebta magaaladda Boosaaso ayaa Isniintii lasoo dhaafay ka shareecatay xeebta degmada Bareeda.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqday in kadib howlgal la sameeyay ay kusoo badbaadiyeen doonta iyo shaqaalaheeda.

Wadarta guud ee howlwadeenadda ayaa waxay gaareysaa Sagaal, kuwaasi oo shan kamid ah ay Soomaali yihiin, mid Kenyan ah iyo laba Carab ah.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay, Doonta ayaa kusii jeeday waddanka colaaduhu la dageen ee Yemen.

Bishii hore ayay ahayd markii dowladda Puntland ay shaacisay in ay ganaaxday doonyo kuwaasi oo lagu qabtay kalluumeysi sharci darro ah.

Puntland, maamulka ugu da’da weyn Soomaaliya, ayaa leh ciidamo badeed, kuwaasi oo aad u suga ammaanka xeebaha lana dagaala shufta badeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM