Puntland oo eedeymo culus u jeedisay madaxda dowlada federaalka

Image

GAROWE, Puntland - War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa eedeymo cul-culus loogu jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya.

Ugu horeyn, bayaanka ayaa lagu sheegay in Puntland ay ka welwelsan tahay hab-dhaqanka madaxda federaalka ee "curyaaminaya dowladnimo dalka ka hirgasha".

Warka qoraalka ah ayaa lagu xusay in hogaanka dalka uu "hareer-marey qaybsiga deeqaha caalamka, uuna u adeegsanayo burburinta maamul goboleedyadda".

"[Tani oo] dalka u keeneysa xasilooni darro, [waxay u gun-gaarayaan] dano-gaaban oo ku aadan doorashooyinka 2020-21," ayaa tiri madaxtooyadda Puntland.

Sidda ku xusan qoraalka, Puntland ayaa ugu baaqeysa madaxda dowlada federaalka in ay "si degdeg ah ku joojiyaan farogelinta doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug".

Ugu dambeyntii, warka ayaa lagu sheegay in Puntland ay bogaadineyso dadaalada ay bulshada maamuladaasi uga tashanayaa aayahooda kuna dooranayaan madaxdooda.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM