Puntland oo gacan-bir ah ku qabaneysa "dadka canshuur diidka ah"

Image

GAROWE, Puntland – Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa daboolka ka qaadey in dowladda ay gacan-bir ah ku qabaneyso shaqsiyaadka cashuur diidka ah.

Xasan Shire Agbaal, oo u waramey Punland TV ayaa shaaciyey in ciidamada ammaanka ay si wadayaan howlgalada ka dhanka ah shaqsiyaadkaasi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu xoogaga dowladda ku bogaadiyey talaabooyinka ay kula darargeliyeen soo qabqabshada dadkaasi.

Hadalkan ayuu ka sheegay Mr Abgaal munaasabad uu laba gaari oo lagu uruurinayo cashuurta oo lagu wareejiyay maamulka gobolka Mudug.

"Kadib safar aan ugu kuur-galeynay xaaladaha jira, waxaan noosoo baxdey in ay jirto baahi gaadiid. Hadda waanu idin keenay, idinkana waxaa la idin ka rabaa wixii la idinka rabay [cashuurta]. Dadka cashuur diidka ahna gacan bir ah ayaanu ku qaban doonan," ayuu wasiirku yiri.

Labadan gaari ayaa waxaa kala leh Kastamada cashuuraha ee magaalooyika Gaalkacyo iyo Galdogob ee gobolkaasi, sidda laga soo xigtay wasiir Abgaal.

Xukuumada Puntland ayaa bilooyinkii lasoo dhaafey xoojisay qaaditaanka canshuuraha oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha waddanka.

Madaxweyne Deni ayaa ka dhawaajiyey in xukuumadiisa ay ahmiyada koowaad siineyso sare u qaadida ganacsiga, dhaqaalaha iyo adkeynta nabad-gelyadda.

Heshiis lagu horumarinayo dhinacyadaasi ayuu soo kala saxiixdey dowlado waa weyn oo ay kamid yihiin Imaaraadka iyo Shiinaha.

Labadaan dal ayaa degaanada Puntland ka fuliya mashaariic lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM