Puntland oo go'aan kasoo saartay Imtixaanka shahaadiga ah

Image

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah waxay go'aano kasoo saartay imtixaanaadka shahaadiga ah iyo arrimo kale.

Bayaan ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay imtixaanaadka naqliga ah ee fasalada 1aad illaa iyo 7aad ee dugsiyadda hoose/dhexe iyo fasalada 1aad illaa iyo 3aad ee sarre.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalada 8aad iyo 12aad loo muddeeyay 30-ka bisha May, 2020, "haddii duruufto saamaxdo".

Fayruska safmareenka ah ee saameeyay dhinacyo badan oo nolosha bini'daamka ah ayaa laga cabsi qabaa in uu baajiyo imtixaanka, maadaama la mamnuucay isu imaatinka.

Wallow degaanada Puntland aan wali laga helin kiisas la xiriira Covid-19, haddana dadyow kala duwan oo laga baarey ayaa natiijada kasoo baxdey ay noqotay in laga waayey.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa shaaca ka dhigtay in ay sugeyso natiijada laba qof oo todobaadkan loo karantiilay caabuqa isla markaana dheecaanada laga qaadey.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in la gelayo Imtixaanaadka, balse waxay joojisay casharadii guud ahaan goobaha waxbarashadda dalka.

Hoos ka akhriso qodobada kale ee ku jira qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM