Puntland oo gudoontay qalab loogu talagalay xakameynta Covid-19

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Diyaarad sidda shixnad caafimaad oo ka timid Imaaraadka Carabta ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso, maanta oo Arbaco ah.

Shixnada ayaa waxaa kamid ah qalab caafimaad oo kaalin weyn ka qaadanaya ka hortagga faafitaanka fayruska Corona.

Warar ayaa intaas ku daraya in agabka caafimaad ay kamid yihiin sheybaaro lagu ogaan karo xanuunkaas safmareenka ah.

Degaanada Puntland ayaa nan wali laga soo warin kiis la xiriira cudurkaas, balse waxaa jira dad la tuhmay oo laga waayey.

Xukuumadda ayaa qaadey talaabooyin dhowr ah oo ay kaga hortageyso caabuqa, waxaana kamid ah joojinta kulamada dadweynaha, shirarka dowladda iyo bandow habeenkii ah oo si weyn u dhaqan-galay.

Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortaga oo warbixin soo saarey shalay ayaa shaaca ka dhigay in ay wadaan qorsheyaal lagu mideynayo baaritaanka la xiriira caabuqa ee marsada weyn ee Boosaaso.

Si ku meel gaar ah ayaa loo joojiyey doonyaha ganacsiga ee ka yimaada dibadda, iyaddo xukuumadda ay ka dhawaajisay in ay waddo qorshe maalgeshi loogu raadinayo kalluumeysatada waddaniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM