Puntland oo hirgelisay sheybaarka lagu baaro fayruska Corona

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah waxay ku guuleystay in ay si isku-tashi ah ku hirgelisay sheybaarka lagu ogaado fayruska safmarka ah ee Corona.

Tani ayaa meesha ka saareysa caqabad taagneyd oo ahayd in baaritaanka dalka dibadiisa loo qaado, taas oo waqti badan ay qaadan jirtay in lagu helo natiijadda kama dambeysta ah.

Xukuumadda iyo hay'addaha kala duwan ee maamulka ayaa kaalin weyn ka qaatay hirgelinta sheybaarka oo hoostagaya Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ee Soomaaliya.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiin, waxaa la qiyaasayaa in sheybaarka uu maalintii baari karo ku dhowaad 100 xaaladood, iyaddoo natiijadda ay kusoo baxeyso muddo 24-saac ah.

Illaa iyo haatan ma jirto, wax caqabad ah oo howlwadeenada sheybaarka haysata. Hadii ay soo kororto baahi loo qabo shaqaale, waxaa qorshuhu yahay in xubno kale la tababaro.

Intaas waxaa wehlisa, maanta waxaa la baarey sagaal qof, kuwaas oo la rajeynayo in natiijadooda ay ku dhawaaqdo Wasaaradda Caafimaadka saacadaha soo aadan.

Puntland ayaa horey u xaqiijisay hal kiis oo ah cudurka dilaaga ah. Dhowr qof oo baaritaan lagu sameeyay tan iyo markii uu soo if-baxay xanuunka ayaa si lamid ah laga waayey.

Sidda ay ka dhawaajisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaa xarumaha karantiika ku jira 30 qof, kuwaas oo qorshuhu yahay in baaritaanka looga qaado sheybaarka haatan la helay.

MUUQAALKA SHEYBAARKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM