Puntland oo isu diyaarineysa soo dhaweynta Ethiopian Airlines

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqdey in ay isu diyaarineysa soo dhaweynta diyaaradda Ethiopian Airlines oo 15-ka bishan July duulimaad ka bilaabeysa degaanada maamulkan.

Shirkadan oo lagu tilmaamo hooyada diyaaradaha Afrika ayaa todobaadkan shaacisay in ay Puntland ka bilaabeyso duulimaadyo joogto ah, oo isku xiri doono Garowe iyo Addis Ababa.

Xusseen Cismaan Lugatoor [Gabilay], wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, ayaa tilmaamay in tani ay bilow u tahay yoolka xukuumada Deni ee ah in garoomada maamulka ay helaan duulimaad caalami ah.

Ethiopian Airlines ayaa isbuucii waxay imaan doontaa Puntland saddex maalmood, waxayna ku sameynaysaa duulimaadkeeda magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

"Waxaan aad ugu farax-sanahay in aan bushaaradan la wadaagno dadweynaha. Waxaana ay bilow u tahay qorsheyaasha xukuumada ee ah in garoomadeena ay duulimaadyo caalami ah helaan," ayuu u sheega Putland TV.

Sidda laga soo xigtay Gabilay, diyaarado kale oo heer caalami ah sida Fly Dubai iyo kuwa kale ayaa la filayaa in ay dhowaan ka shaqo bilaaban Puntland, inkasta oo uusan waqti gaar ah cayimin.

"Munaasabad weyn baanu qaban doonan oo aan kusoo dhaweyn doono," ayuu raaciyey, isaga oo daba dhigay "saxaafada waxaanu ka codsaneynaa in ay ka qeyb-qaatan baahinta wararkan".

Puntland ayaa waxay haatan leedahay madaaro caalami ah kuwaasi oo ku kala yaala magaalooyinka Garowe, xarunta maamulka iyo Boosaaso, caasimada ganacsiga ahna magaala madaxda gobolka Bari.

Hirgelinta duulimaadyo caalami ah ayaa waxay horseedeysaa kobac ku yimaada dhaqaalaha dalka iyo dakhliga si lamid ah waxay shaqo abuur u noqoneysaa dhalinyarada gudaha wax ku baratay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM