Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadal kasoo yeeray Wasiir Goodax

Image

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Puntland, ayaa ka jawaabtey hadal kasoo yeeray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ku aadan Imtixaanada Iskuuladda.

War-Saxaafadeed ay soo saartey Wasaaradda Waxbarashadda Puntland maanta ayaa lagu sheegay in nidaamka waxbarashada Puntland uu yahay mid iyada u gaar ah, oo soo shaqeynayay tan iyo 2003, kuna salaysan siyaasad iyo manhaj u gaar ah.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Puntland ay diiday inay ka qeybgasho Imtixaanada mideysan ee dowladda ka qaado Ardayda Dugsiyada sare ee dalka.

Sababaha Puntland ku diiday Imtixaanka mideysan:

1- La'aanta siyaasad iyo sharci waxbarasho oo lagu mideysan yahay

2- Kala duwanaanshaha dhanka Manhajka waxbarashada

3- Amaanka Imtixaanka dowladda Federaalka dejiso oo aan la isku haleyn karin, oo gacanta u gala ardayda

4- Yaraanta Khibradda iyo xirfadda lama huraanka u ah dejinta, maamulida iyo sixida Imtixaanada

5- Tayada Imtixaanka ay qaado dowladda Federaalka oo ka hooseeya midka Puntland.

C/llaahi Goodax Barre oo dhawaan xilka Wasiirka Waxbarashada loo magacaabey ayaa ku hanjabey in hadii Puntland ay diido inay ka qeyb gasho Imtixaanka mideysan aysan shahaado siin doonin ardayda reer Puntland.

WAR-SAXAAFADEEDKA PUNTLAND:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM