Puntland oo ka digtay in shuruucda lagu saleeyo rabitaanka madaxda DF

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa qaadacday xeerarka doorashooyinka ee horyaala Golaha Shacabka.

Warka qoraalka ah oo uu arkay Garowe Online ayaa walaac looga muujiyey in aan la tixgelin is afgaradkii lagu gaaray kulankii dhanka qadka Internet-ka ee 22 bishan June dhexmaray madaxda dowladda federaalka ah iyo maamulada.

Is-afgaradkaas ayaa ahaa in la joojiyo doodaha xeerarka oo ay soo diyaariyeen guddi isku dhaf ah oo labada Aqal ee dalka ay kala magacaabeen.

Afarta xeer oo khuseeya dhameystirka sharciga doorashada oo laba kamid ah la ansixiyey ayaa kala ah; Asteynta Kuraasta baarlamaanka, metelaada gobolka Banaadir, qoondada haweenka iyo gobolada waqooyi.

Dhanka kale, bayaanka ayaa looga digay in in shuruucda dalka lagu salleeyo damac gaar ah iyo rabitaanka Madaxda dalka, "iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsaneyn Dastuurka ku meelgaarka ah ee waddanka u yaala".

"Dowladda Puntland waxay ka digaysaa in shuruucda wadanka lagu saleeyo damac-gaar ah iyo rabitaanka madaxda dalka; iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn dastuurka ku-meel gaarka ah, laguna dhiirranayo been-abuur iyo isdaba-marin sida ku cad warqadda Guddoomiyaha Aqalka Sare," ayaa lagu yiri qoraalka oo lasoo dhigay barta Facebook ee Madaxtooyada Puntland.

Ugu dambeyntii, Puntland ayaa caddeysay in ay go'aan qaadaneyso hadii ay adkaato xal u helida arrimaha siyaasadeed ee wadatashiga laga yeelanayo.

"Dowladda Puntland waxaa ka go’an inay qaadato go’aan kasta oo u ogolaanaya Dastuurkeeda isla markaana ku xusnaa go’aanadii ka soo baxay shirkii Wadatashiga Puntland ee ka dhacay Garowe 15-17 bishii Maarso 2020, haddii ay adkaato xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee murugsan ee wadatashigooda loo balansan yahay, isla markaana ay ka waantoobi waayaan madaxda dowladda Federaalka maroorsiga talada aayaha dalka iyo hareer marida Dastuurka," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka ah.

Doorashooyinka Soomaaliya ee loo qorsheeyay 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la gelinayaa calaamad su'aal weyn.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM