Puntland oo ka hadashay qaraxii ka dhacay magaalada Garowe

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa waxay war kasoo saartay qaraxii caawa fiidkii ka dhacay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga saldhigga booliska.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa daboolka ka qaadey in weerarka uu ahaa mid is-miidaamin ah.

Mr Dhabancad oo hadalkiisa soo wata ayaa wuxuu xaqiijiyey khasaaro dhaawac u badan oo qaraxu sababay.

Cabdisalaan Xassan Xirsi [Gujir], gudoomiyaha gobolka Nugaal, ayaa kamid ah dadka dhaawacmay, sidda uu ka dhawaajiyey Dhabancad, oo u rajeeyay soo kabasho degdeg ah.

"Allaha u sahlo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo dhamaan intii ku dhaawacantay qarax ismiidaamin oo caawa ka dhacay Garowe. Guddoomiyaha Gobolka Mudane Gujir waa dhaawac, waana la la tacaalayaa," ayuu u qornaa qoraalka kooban ee wasiirka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in taliyihii hore ee booliska gobolka Nugaal, Faarax Galangooli, uu kamid yahay dadka dhaawacmay. Askari ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaarey.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxa, oo dhacay abaare 7:30, sidda ay Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal kala duwan oo telefoonka ugu waramay.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ka howlgala degaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari, wallow maalmihii lasoo dhaafay sarre loo qaadey howlgalada ka dhanka ah maleeyshiyaadkaas hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM