Puntland oo cambaareysay xayiraada Kismaayo iyo is-hortaagii Shariif

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa waxay si adag u cambaareysay xayiraadda socdaalka ee xukuumadda federaalka saartay Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland.

Villa Soomaaliya ayaa ku amartay diyaaradaha tegaya magaaladaas in ay soo maraan Muqdisho si hubin loogu sameeyo iyo in ay soo codsadaan duulimaadka 24-saac kahor safarkooda.

Sidoo kale, maamulka Garowe ayaa sidoo kale wuxuu talaabo baalmarsan dastuurka uu ku tilmaamay is-hortaagii lagu sameeyay madaxweynihii 7aad ee dalka Sheekh Shariif Axmed.

Shariif, hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, oo la socday diyaaradda Turkish Airlines, maadaama uu Turkiga ka yimid ayaa kamid ah ka qeybgaleyaasha caleema saarka Axmed Madoobe.

Munaasabadaas oo marti kala duwan kuwaasoo isugu jira madax iyo wafuud caalami ah lagu casuumay ayaa waxaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 26-ka bishan September sanadka 2019-ka.

Munaasabadaas oo marti kala duwan kuwaasoo isugu jira madax iyo wafuud caalami ah lagu casuumay ayaa waxaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 26-ka bishan September sanadka 2019-ka.

"Puntland waxay u aragtaa [labada go'aan] ku tagrifal awoodeed iyo nasiib darro in madaxda talada haysaa ay siyaasadda u isticmaalaan awooda dowliga ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, xukuumada federaalka ayaan wali fahfaahin ka bixin is-hortaaga ay ku sameysay Sheekh Shariif oo lagu wado in xisbigiisa yo axsaabta kale ay war kasoo saaran dhacdan.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM