Puntland oo ka qeybgaleysa Shirka Maalgeshiga Turkiga ee Afrika

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntlland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo isagu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsato ayaa u ambabaxay Wadanka Turkiga.

Mas'uuliyiintan, oo casuumaad rasmi ah helay ayaa waxay Puntland ku metelayaan Shirka Maalgashiga dalka Turkiga ee qaaradda Afrika.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka warbixiyey safarka ay ku aadayaan isaga iyo weftigiisu dalka Turkiga.

"Waxaan halkaan idinla wadaagayaa safar yar oo aan ku tegi doono dalka Turkiga oo ula jeedadiisu tahay shir ka dhacaya Turkiga oo lagu casuumay dowladaha Africa badidooda, shirkani wuxuu runtii daba-jooga kii ka dhacay Puntland oo aad u farxad geliyay shacabkeena iyo beesha caalamkaba".

Waftiga Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa Garoonka diyaaradaha Gaaroowe Gen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.

"Wafti baa ila socda oo isugu jira dowladda Puntland iyo Ganacsato oo casuumaad ka helay dowladda iyo Ganacsatada Turkiga. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Puntland daafaha dunida laga bartay, gaar ahaan Maalgashiga oo runtii aan codsiyo badan ka helayno".

Karaash ayaa sheegay in Puntland ay soo dhawaynayso cidkasta oo maalgashanaysa, adduunkuna uu arkay nabad-gelyada taala, dowladduna ay ballan qaadayso inay ilaalindoonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM