Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Garaad Cabdullaahi Cali Ciid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenkii Isimada Puntland, Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu ku geeriyooday waddanka Turkiga, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo illo ku dhow qoyskiisa.

Inkasta oo warar soo baxaya sheegayaan in uu xaalad caafimaad u tegay Turkiga, haddana ma cadda sababta dhabta ah ee uu u dhintay marxuumka.

Sidda ku xusan war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda dowladda Puntland, madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

"Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya Magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ku geeriyooday Turkiga," ayuu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "AHUN Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ahaa Af-hayeenkii Isimada Puntland, wuxuu ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland, isagoo wax badan kasoo shaqeeyay nabadgelyada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya".

"Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa Alle uga baryey Marxuum Garaad Cabdullaahi Cali Ciid inuu danbigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo, ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kooban.

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo dadka yaqaanna ay ku ammaaneyn shaqsiyad wanaag iyo dowladnimo jaceyl ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo aadan la aaso isla markaana ka qeybgalaan duugtiisa mas'uuliyiin kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM