Puntland oo ka tacsiyeysay weerarka ismiidaaminta ee Muqdisho

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxa ay ka tacsiyaynaysaa Qaraxii arxan darada ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska X-kaantarool, taasi oo ahayd murugo iyo tiiraanyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan taabatay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Geleyaasha Dowladda Puntland wuxuu u tacsiyeynayaa shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu saaka kasoo gaartey qaraxii Muqdisho ka dhacay, kaas oo uu cadawga ummada Soomaaliyeed ku xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu Alle uga baryey Madaxweynuhu inuu u naxariisto shacabkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa arday iyo xoogsato la Daalaa-dhacaayey noloshooda, una booga-dhayo intii ku dhaawacantay falkaasi wuxuushnimada ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah in si wada jira loogu istaago sidii cadowga ummada Soomaaliyeed ee argagixisada ah meel looga soo wada-jeesan lahaa, loogana hor tegi lahaa dhagarta ay mar waliba u maleegayaan dadka rayid ka ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in ay la qayb sanayaan murugada iyo tiiraanyada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay falkii bahalnimada ahaa ee Argagixisadu u gaysteen Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu markale Allaah uga baryey intii ku dhimatay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna u booga-dhayo caafimaad deg degana siiyo Aamiin Aamiin.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM