Puntland oo karantiishay dad horleh oo lagu tuhmay Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortagga Coronavirus ee dowladda Puntland ayaa wuxuu shaaciyey in ay karan-tiileen laba qof oo looga shakiyey fayruska safmareenka ah ee Corona.

Warbixintooda maalinlaha ee 20-ka April ee sanadkan 2020 taasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayay ku xaqiijiyeen.

"Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, wuxuu ku wargelinayaa Bulshadda in aysan jirin wax kiisas cusub ah oo laga heley deegaanada Puntland maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka April 2020," ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay raaciyeen: "Waxaa jirta labo qof oo maanta la karantiilay, kuwaasi oo laga qaaday baaritaankii, jawaabtoodana la sugayo".

Dhanka kale, xubno ka tirsan Guddiga ayaa maanta waxay kulan la qaateen Xildhibaanada Baarlamaanka u qaabilsan Covid-19.

"Xildhibaanada waxaan iska wareysanay xaaladda Covid-19 ee Puntland , diyaar-garowga iyo wacygelinta la sameeyay, caqabadaha jira iyo fursadaha looga gudbi karo sida in Bulshadu u hoggaansamaan fariimaha iyo tallooyinka Caafimaad iyo in qof walba door ka qaato in uusan xanuunku faafin," ayuu ku daray war-saxaafadeedka kasoo baxay guddiga.

Shalay ayay ahayd markii Puntland ay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay oo ah cudurkaas faafa. Muwaadin aan safar-gelin ayuu soo ritay, kaas oo la sheegay in uu ku jiro gacanta dowladda.

Xukuumadda oo dardargelisay talaabooyinka looga hortagayo caabuqa dilaaga ah ayaa xoojisay wacyi-gelinta dadweynaha, gaar ahaan in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah iyo in aysan kulmin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM