Puntland oo kordhineysa dakhliga shutuutadda ganacsiga

Image
Wasaaradda ganacsigu ayaa ku sameysay isbadallo hormar leh, looma dardar galin lahaa dakhligaas.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsiga Iyo Wershadaha Puntland ayaa shir isugu yeeray Isu-duwayaasha Wasaarada Ganacsiga ee Gobolada Puntland.

Shirkan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland ayaa waxaa furay Wasiirka  Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga Dowlada Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi oo uu wehiliyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ganacsiga, ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasime ku xigeenka Dakhliga Wasaarada Maaliyada Puntland Abshir Maxamed Abshir, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga, Agaasime Waaxeedyada Wasaarada Ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedada shirka ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga shutuutadda ganacsiga oo ay Wasaaradda ganacsigu ka sameeyay isbadallo hormar leh, looma dardar galin lahaa dakhligaas iyadoo la raacayo habraacyada Wasaaraddu dajisay.

Mudadii uu shirku socday ayaa Isu-duwayaashu ku soo gudbiyeen caqabadaha iyo fursadaha hortaagan Kor u qaadida Dhakhliga. Shirkan ayaa lagu wadaa in uu socdo muddo laba cisho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM