Puntland oo naqdisay hadal kasoo yeeray guddiga doorashooyinka dalka

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu ganafka ku dhuftay hadal Axada maanta ah kasoo yeeray guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Dowladda ah ee Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee Madaxtooyadda dowladda Puntland ayaa Deni looga soo xigtay hadalkaas.

Sidda ku xusan bayaanka, Deni ayaa sheegay in hadalka guddiga uu yahay isku day la doonayo in lagu fashaliyo gogosha Garowe ee qorshuhu yahay in ay kuwada hadlaan Dowladda iyo maamulada.

"Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay wasiiradu qabteen," sidaas waxaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay xafiiska madaxweyne Deni.

Xaliimo Yarey, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya, ayaa waydiisatay baarlamaanka federaalka maalmarinta shuruucda iyo xeerarka "laga maarmaanka ah".

Xeerarka ay soo hadal-qaadey waxaa kamid ah dib-u-eegista xisbiyada oo ay sheegtay in uu muhiim u yahay in axsaabta la diiwaan-geliyey ay helaan aqoonsiyo sharci ah kahor doorashooyinka 2020-21.

Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa waxay soo dhaweysay sharciga doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo saxiixay bil kahor. Xeerkaas waxaa kasoo horjeestay qaar kamid ah maamulada.

Xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ayay ku boorisay in ay soo buuxiyaan shuruudaha ku harsan si ay u helaan shahaadaha kama dambeysta ah.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaanan wali lagu heshiin nidaamka lagu galayo, iyaddoo xukuumadda federaalka lagu eedeeyay in ay isku koobeyso dhamaan geedi-u-socodka lagu galayo coddeynta.

QORAALKA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM