Puntland oo qaadacday xeerka doorashooyinka ee XFS diyaarisay

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa mowqif adag ka qaadatay xeerka doorashooyinka iyo xisbiyadda ee maanta oo Arbaco ah ay meel-mariyeen xubnaha xukuumada federaalka ah ee uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre.

Sidda ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, xeerkaan oo kamida go’aanada masiiriga ah ayaa nan laga talogelin Puntland, taasi oo baalmarsan dastuurka qabyadda ah.

"Dowladda Puntland waxay kasoo horjeedaa go’aan kasta oo aan waafaqsaneen Dastuurka ku meel gaarka ah ee ay ku tilaabsatay xukuumada sida diyaarinta wax ka bedelka sharciga Bartoolka iyo doorashooyinka," ayay tiri.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa bayaanka looga dalbaday in ay ku dhaqaaqin go’aano jebinaya dasturka ku meel gaarka ah "si looga fogaado khilaaf iyo kala fagaansho dhaawici karta geedi u socodka dhismaha dowladnimada".

Sidda ku warka qoraalka ah oo ku taariikheysan 2-da bisha Maaj 2019, Puntland ayaa u caddeyneysa beesha caalamka in aysan qayb ka ahayn go’aan kasta oo baalmarsan Axdiga qaybo qoraalka ah.

"Dowladda Puntland waxay u taagan tahay midnimada iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan hanaanka Federaalka ee lagu heshiiyey," ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sikastaba, warka kasoo yeeray Puntland ayaa kusoo beegmaya iyadda oo lagu wado in magaalada Garowe uu ka qabsoomo shir u dhaxeeya madaxda dowlada iyo maamulada oo looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM