Puntland oo qabatay shaqsiyaad looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo

Image

BOOSAASO, Puntland – Hay'addaha amniga Puntland ayaa Arbacada maanta ah shaaciyey in ay magaalada Boosaaso ku qabteen sideed ruux oo looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo.

Saraakiisha ammaanka ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkan laga soo qabtay suuq ku yaala xarunta gobolka Bari.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la tuhunsaneyaasha, oo baaritaao dheeraad loo diray, ay wateen hub badan.

Mas'uuliyiinta oo tibaaxay in ay saxaafada u soo bandhigi doonan raggaan ayaa xusay qabashadooda ay ka dambeysay markii ay heleen macluumaadka ku saabsan eedeysaneyaasha.

Baaritaanka kadib waxaa qorshuhu yahay in lagu bilaabo maxkamadeyn laguna qaado kiisaska lagu haysto.

Magaala madaxda ganacsiga Puntland waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howlgalo lagu xaqiijiyo nabad-gelyada.

Qabashada xubnahaan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyaddoo muddooyinkii dambe ay magaalada ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga oo ay sheegteen xoogaga Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM