Puntland oo "qabatay" xubno Al-Shabaab iyo amiirkooda

Image

GAROWE, Puntland – Ciidamadda si gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland ee PSF oo howlgallo ka sameeyay gobolka Bari ayaa shaaciyey in ay gacanta kusoo dhigeen xubno ka tirsan maleyshiyadda Al-Shabaab.

Howlgaladdan qorsheysanaa ayaa waxay ciidamaddu ka sameeyeen degaanadda Maraje, Booj iyo Dhagax-dhaabur ee Buuraha Cal Madow.

Sidda uu baahiyey telefishinka ku hadla afka dowladda Puntland, xubnaha lasoo qabtay waxay isugu jiraan dagaalameyaal iyo amiirkooda.

Balse, TV-gu ma uusan baahin tiradda maleyshiyadda nolosha lagu soo qabtay iyo magacyadda dagaalameyaasha si lamid ah hogaankooda.

"Xubnahan lasoo qabtay waxay ahaayeen kuwa qaraxyada dhigi jiray wadda isku xirta tuulada Garan, Bali-khadar iyo magaaladda Galgale," ayaa lagu yiri warbixinta uu sii daayey Puntland State Television.

Ciidamadda PSF-ta ayaa fariisimo gaar ah waxay ku leeyihiin tuulada Garan, Bali-khadar iyo magaaladda Galgale halkaas oo ay ka fuliyeen howlgalo lagu baacsanayo maleyshiyada Al-Shabaab iyo Daacish.

"Howlgalka ay sameyeen ciidamadda difaaca dowladda Puntland ee PSF ayaa qeyb ka ah kuwa lagu soo afjarayo joogitaanka maleyshiyadda Al-Shabaab ee Buuraha Cal Madow," ayuu TV-ga warbixintiisa kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM