Puntland oo sare u qaadeyso sugidda amniga xeebaha [Daawo]

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dowladda Puntland ayaa uga digtay kalluumeysatada ajaaniibta ah in ay sameeyaan jilaabasho sharci daro ah.

Kalluumeysatada shisheeyaha ayaa ka jilaaban kara 24 mile iyo wixii ka sokeeya oo ah xeebaha, halka kuwa maxaliga ah loo ogol yahay in ay ka jilaabtaan 1 mile illaa iyo 24, sida laga soo xigtay wasaarada.

Dhanka kale, wasaaradda ayaa cod dheer ku sheegtay in la adkeynayo amniga xeebaha dowlada Puntland si looga hortago xaafulinta kheyraadka dhex-ceegaaga biyaha Soomaaliya.

Puntland oo leh ciidamo badeed kuwaasi oo si joogto ah u sameeya howlgalo ay ugu kuurgalayaan amaanka xeebaha ayaa ka hortaga shufta badeeda iyo kalluumeysiga sharci darada ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan wasaarada Kalluumeysiga ayaa indhowaanahaanba baday kormeer ay ku tagayaan xeebaha kala duwan ee Puntland, iyaga oo u kuurgalayay xaaladaha halkaasi ka jira.

Wasaaradda oo uga mahad-naqday wakiilada halkaasi u jooga wadashaynta dhow oo ay leeyihiin ayaa shacabka ku boorisay in ay lasoo wadaagaan dhacdooyinka lagu xaafulinayo kheyraadka badda.

Ugu dambeyntii, wasaaradda ayaa ku tartarsiiyay mulkiilayaasha doomaha kalluumeysi iyo wakiilada kuwa ajaaniibta ah in ay dhaqan-geliyaan amarkaasi, oo ay xustay in cidii aan fulin talaabo laga qaadayo.

Soomaaliya ayaa safka horey uga jirta wadamada ay sanad kasta ka dhacaan kalluumeysiga sharci darada ah, waxayna tani qayb ka tahay dadaalada lagu yareynayo arrinkaasi.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM