Puntland oo shaacisay kiisas horleh oo ah safmarka Covid-19

Image

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa caawa oo Axad ah waxay ku dhawaaqdey sideed kiis cusub oo ah safmarka Coronavirus. Bukaanada cusub ayaa laga soo dhex-saarey 24 qof oo la baarey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tani ayaa ka dhigan in tirada guud ee kiisaska laga diiwaan-geliyey degaanada maamulkan ay haatan gaartay 84 xaaladood. Bukaanada waxay kala joogaan gobolada Nugaal iyo Karkaar.

Sidda laga soo xigtay warbixinta maalinlaha ah ee Covid-19 ee Puntland, saacadihii lasoo dhaafay waxaa la xaqiijiyey geerida hal ruux. Tirada guud ee geerida waa afar, mana jirto shaqsi ka caafimaadey.

Puntland ayaa hor-muud u ah ololaha iska caabinta fayruskaan dilaaga ah ee sida fudud u faafa ee guud ahaan Soomaaliya. Waa maamulkii ugu horeeyay ee qaadey talaabooyinka ka hortagga caabuqa.

Shacabka iyo xukuumadda ayaa si wadajir ah uga wada shaqeynaya ka hortagga faafitaanka xanuunka, waxaana dadweynuhu u hogaan-sameen amarada sidda bandowga habeenkii iyo xiritaanka Masaajida.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la-kacaa-kufeysa in ay hirgeliso talaabooyinka laga maarmaanka u ah xakameynta faafitaanka tusaale ahaan bulshada oo kala fogaata iyo kulamada oo la joojiyo.

Sidda laga soo xigtay warbixinta Wasaaradda Caafimaadka heerka federaalka, tirada kiisaska laga diiwaan-geliyey guud ahaan dalka ayaa gaartay 1054, markii 24-kii saac ee lasoo dhaafay la helay 59 xaaladood oo cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM