Puntland oo shuruud ku xirtay tagida shirka Farmaajo ku baaqay

Image

GAROWE, Puntland - Dowlada Puntland ayaa Arbacada maanta ah waxay caddeysay mowqifkeeda ku aadan shir-madaxeedka uu xalay ku baaqay madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo.

Isagoo kasoo muuqdey muuqaal laga sii daayey telefishinka qaranka, Farmaajo ayaa xalay soo jeediyey shir deg-deg ah oo lagu saxiixo heshiisyadii hore ee doorashooyinka "si shuruud la'aan ah".

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa shaaca ka dhigay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan ka qeybgaleyn "illaa inta aan martiqaad ka helayno Beesha Caalamka".

Mr Xersi ayaa xusay in maba' ahaan ay Puntland aaminsan tahay in xalka uu ku jiro iyaddoo miiska wadahadalada la isugu soo laabto balse ay muhiim tahay in laga tashado habraaca wadahadalka.

"Puntland shir kasta oo Soomaali isugu imaaneysa way soo dhaweyneysaa laakiin mid uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku baaqay oo aysan goobjoog ka ahayn Beesha Caalamka dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ma tageyso," ayuu yiri.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayuu cod dheer ku sheegay in uusan ahayn sharciyad uu shir isugu yeero shir looga hadlayo masiirka doorashooyinka.

Diidmada Puntland ee go'aanada madaxda federaalka ee waqtiga ka dhacay ayuu xusay in ay salka ku haayaan sharciyad "cidii noo kala garnaqi lahayd xataa ajnabi ha noqotee waa ku carareynaa".

"Beesha Caalamka runtii dalkan ayagaa gacanta ku haaya haddey ahaan lahayd ciidanka ilaaliya madaxweynaha waqtiga ka dhacay oo ah AMISOM. Dhaqaalaha ku baxa ayagaa bixiya. Beesha Caalamka dhaqaalaha ugu badan ayaga ayaa ku bixiya Soomaaliya. Anaga waxaanu rabno waxa weye in aysan burburin wixii ay ku bixiyeen canshuurta ay dadkooda kasoo qaadeen," ayuu kusoo xiray.

Mowqifka Puntland ka qaadatay shirka uu Farmaajo iclaamiyey ayaa sii murjin karta xaalada cakiran ee waqti xaadirkan dalka ku jiro wallow si weyn isha loogu hayo fadhiga Sabtida ee Golaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM