Puntland oo martida Shirka Maalgashiga u fududeyneysa visaha

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu gudoomiyey Kulanka Todobaadlaha ee Xukuumadda.

Qodobada kulanka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Shirka Maalgashiga Puntland ee qabsoomaya 15-ka bisha September, sanadkan 2019.

Guddiga loo xil-saarey qaban-qaabada shirkaasi ayaa golaha uga warbixiyey halka ay wax u marayaan iyo diyaar-garowgii ugu dambeeyay.

Isbuucan, guddigu oo la kulmay rugta ganacsatada Puntland ayaa wuxuu kala hadlay kaalintooda shirkaasi, oo ay xuseen in ay noqon doonta mid muuqata.

Sidda laga soo xigtay war kasoo baxay kulanka Golaha Wasiirada, Deni ayaa faray Guddiga in ay dal ku galka u fududeeyaan ka qeybgalayaasha shirka.

Mudane Deni ayaa sidoo kale wuxuu ku tartarsiiyay hay’addaha ku shaqada leh arrintaasi in ay dhigaan visaha dhamaan baraha loogu talogalay.

Visahan la fududeynayo ayaa ah dal ku galka Soomaaliya maadaama Puntland ay kamid tahay dowladaha xubinta ka ah xukuumada federaalka ah.

Shirkaasi oo socon doona illaa iyo 17-ka bisha September ayaa waxaa kasoo qeybgeli doona maalgashato isugu jirta Soomaali iyo Ajaaniib.

Geesta kale, madaxweyne Deni ayaa  wareegto xafiiskiisa kasoo baxday wuxuu amar ku bixiyey in la joojiyo deegaameynta goobaha qaasinka ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM