Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed
GAROWE, Soomaaliya — Puntland ayaa madaxweynihaha waqtigiisu dhamaadey ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay inuu wado qorshe ay sheegtay in lagu hurinayo colaad iyo lagu wiiqayo amniga Puntland.
Bayaan ay Puntland soo saartay habeenkii Khamiista ayay ku sheegtay inay si dhow ula socoto qorshe la xiriira safar la filayo inuu Xasan Sheekh ku tago koonfurta magaalada Galkayo, oo maamul ahaan hoos tagta Galmudug.
Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo, oo ah magaalo ay wada deggan yihiin bulshooyinka Puntland iyo Galmudug. Waxay uga mahadcelisay maamulka iyo shacabka koonfurta Galkayo doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda, iyadoo ugu baaqday inay ka hortagaan waxa ay ku tilmaantay “isku dayo cusub” oo lagu abuurayo xasillooni-darro.
Puntland ayaa sidoo kale sheegtay inay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, iyadoo ka digtay in la qaadi doono tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xoojinayo amniga guud ahaan Puntland, gaar ahaan Galkayo iyo deegaanada ku xeeran.
Bayaan-ka ayaa lagu sheegay in Xasan Sheekh uu qaadi doono mas’uuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha waxa Puntland ku tilmaantay dadaallo lagu hurinayo “fidno iyo colaad” gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Eedeymaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Puntland ayaa dhawaan olole ka dhan ah ciidamo dowladda federaalku ka qoratay gudaha Puntland bilowday, iyadoo ciidamo badan ay markii dambe hubkooda ku wareejiyeen Puntland.
Xasan Sheekh, oo afartii sano ee muddo-xileedkiisa madaxweynenimo ay dhammaatay bishii May 2026, weli si rasmi ah ugama uusan jawaabin eedeymaha Puntland. Wuxuu horey u sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya aan loo oggolaan karin inay dib u soo nooleeyaan colaadaha hore ama ay khatar geliyaan midnimada iyo amniga dalka.
Warbixin: Garowe Online