Puntland oo xukunka ka qafiifisay dhalinyaro dil loogu riday kufsi

Image
Image

GAROWE, Puntland - Maxkamadaha Racfaanka Garowe ayaa xukunka ka qafiifiyay Shan dhalinyaro oo 2-dii bishaan Maaj dil loogu xukumay kufsi gabar 12-sano jir ahayd ay 22-kii Febraayo ugu geysteen magaaladda Gaalkacyo.

Ragga ayaa lagu kala magacaabaa; C/risaaq Axmed Cilmi, C/risaaq Cali Cabdi, Yuusuf C/llaahi Xirsi, Ugaas Mire Barre iyo Cismaan Maxamed Cabdullaahi, kuwaasoo dhamaantood ku dhashay xarun goboleedka Mudug.

Maxkamada Darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah oo loo coksaday Diinta Islaamka ku riday raggaan markii xeer-beegtada ay sheegtay in si wadajir ah loogu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Sidda laga soo xigtay go’aanka maanta kasoo baxay maxkamadaha Racfaanka, saddex kamid ah dhalinyaradaan waxaa lagu xukumay 20-sano oo xarig ah iyo 5-kun oo lacagta dollar-ka Mareykanka ah.

Sidoo kale, labo kamid ah eedaysanayaasha ayaa lagu ridday 15-sano oo xabsi ah, xili ay intaasi dheer tahay in laga doonayaan bixinta aduun lacageed dhan 3-kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

"Lacagtaan waxaa magdhow ahaan loo siinayaan qoyska ay kasoo jeedo gabadha la faraxumeeyay," ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay Maxkamadaha Racfaanka degmada Garowe maanta oo Talaado.

Go’aankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo si wayn loo dhowrayo xukunka lagu ridi doono iyo talaabada ay dowlada Puntland ka qaadi doonto ragii kufsiga iyo dilka u geystay Caasha Ilyaas oo lagu dhibaateeyay Galkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM