Puntland: Qeybta kaararka codbixinta oo bilaabatay

Image
Image
Image
Siciid Abshir Siciid ayaa noqdey qofkii ugu horeeyay ee kaarka cod-bixinta ka qaatay degmada Eyl.

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa Isniinta maanta ah wuxuu si rasmi ah u daahfuray qaybinta kaararka codbixinta coddeynta dowladaha hoose.

Qaybinta kaararka oo si rasmi ah uga wada bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufayn ayaa socondoona ilaa 27 september 2021, sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga.

Siciid Abshir Siciid oo ka mid ahaa dadkii iska diiwaangashay Degmada Eyl ayaa wuxuu noqdey qofkii u horeeyay ee qaata kaarka codbixinta guud ahaan degaanadda Puntland.

Siciid oo ka waramay dareenkiisa kadib markii la siiyey kaarka cod-bixinta ayaa muujiyey farxad weyn wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay in uu codiisa dhiibto maalinta la coddeynayo.

Nabadoon Cabdirshiid Cali Mire oo horey u noqdey qofkii u horeeyay oo iska diiwaangasha Degmada Eyl xiligii diiwaangalinta codbixintu socotay ayaa maantana noqday qofkii koowaad ee kaarka qaatay.

Sidoo kale, gudoomiye ku xigeenka degmada ayaa qudhiisa wuxuu noqday qofkii labaad ee qaata kaarka codbixinta waxa uuna Bulshada reer Eyl uga baaqay inay qaataan kaararkooda.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa horey u soo saaray shaxda isusoo baxyada Ururadda Siyaasadda ee Puntland oo bilaamandoonta 26/09/2021.

Shaxda liiskaan oo lagu soo dhisay qori tuur ayaa Urur walba yeelan doonaa 3 beri oo kala duwan oo uu samaysan karo banaan baxyo waaweyn oo qayb ka ah ololaha ururka ee doorashooyinka 3 degmo.

Doorashadda horudhac ah ee dowladaha hoose ee Puntland ayaa 10-ka urur siyaasadeed waxay ku baratami doonan 25-ka bisha soo aadan ee October, sida ku xusan jadwalka guddiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM