Puntland: Saraakiil kahor timid ruqsadd uu GAAS ku sameeyay [DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Saraakiil katirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, oo uu kamid yahay Axmed Cabdullaahi Samatar oo loo yaqaan Layli ayaa si cad uga hor-yimid go'aan kasoo baxey shalay oo sabti ahayd Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Isagoo ka hadlay Shir jaraa'id oo ay ku qabteen Garoowe ayaa G/sare Layli oo horey usoo noqday Taliyihii hore ee qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa daboolka ka qaadey in Gaas uusan awood u lahayn inuu shaqo ka ceyrin ama ruqseyn ku sameeyay karin.

"Xilka waa la iga qaadi karaa, balse la ima ruqseyn karo, taasi waxay ku imaan kartaa sadex arrimood; inaan aniga dalbado, geeri iyo inan demi qaran galay oo maxkamad la isoo taagay," ayuu yiri Layli.

Wuxuu intaasi ku darey in go'aanka kasoo baxay Gaas uu yahay mid sharci darro ah, oo marna u hogaansami doonin, maadaama uu baal-marsiisaan yahay xeerarka iyo shuruucda ciidamada.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxwaynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] oo ku taariikheysan 27-da bisha October 2018, ayaa waxaa ciidamada Daraawiishta maamulkaan laga ruqseeyay saraakiil ciidan.

Sida laga soo xigtay wareegtadda, shaqo ka eriyadda saraakiisha oo tiradoodu gaareyso Todoba ayaa waxay salka ku haysaa markii “ay ku kaceen falal lid ku ah jiritaanka Puntland iyo anshaxa ciidannimo”.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA SARAAKIISHA:

1. G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito)
2. G/Sare Maxmed Cali Qase
3. G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax)
4. G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad)
5. G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro)
6. G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab)
7. Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo)

Talaabadda uu qaaday Gaas ayaa kusoo aadeysa xili todobaadyo kahor ciidamo ka tirsan Madaxtooyadda Puntland ay sameeyeen gadood ku aadan markii ay todobo bilood aysan qaadan wax mushaar ah.

Maamulka madaxwaynuhu waqtigu ka dhamaaday ayaa lagu eedeeyay in mudadii uu jiray uu Puntland u horseeday burbur amni, iyo mid dhaqaalo, waxaana lagu tilmaamay midkii ugu musuq-maasuqa badnaa taariikhda madaxda Puntland.

Layli iyo saraakiisha kale ee la ruqseeyay ayaa shir jaraaid oo ay ku qabteen Garoowe ku muujiyay taageero ay u hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM