Shacabka Garowe oo ka hadlay magacaabista Xukuumadda cusub [DAAWO]

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Qeybaha kala duwan ee shacabka magaaladda Garowe, ee caasimadda Puntland ayaa si diiran usoo dhaweeyay magacaabista Gollaha Wasiiradda cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Dadkan oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ay tahay mid u baahan in lala shaqeeyo, oo lasoo dhaweeyo, iyagoo dhanka kale ugu baaqey Baarlamanka Puntland inuu codka kalsoonida siiyo.

Mid kamid ah dhalinyarada fekerkooda dhiibtay ayaa qaba in Wasiiradda cusub ay yihiin shaqsiyaad ku haboon jagooyinka loo magacaabey, islamarkaana laga rajo qabo inay ka shaqeyn doonaan horumar iyo waxqabad Puntland gaarsiin kara hiigsigeeda.

Magaalooyinka kale ee Puntland, oo Boosaaso ay ku jirto ayaa laga soo dhaweeyay magacaabista Gollaha wasiiradda cusub ee Puntland.

Deni ayaa dhisay Xukuumadda kooban, oo ka tira yar midii hore, waxaana kasoo muuqday wajiyo cusub oo dhalinyaro ay kamid yihiin, kadib wadatashiyo uu la sameeyay hogaamiyeyaasha dhaqanka, aqoonyahanno iyo Siyaasiyiinta.

HALKAN KA DAAWO DADWEYNAHA FEKERKOODA DHIIBTAY:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM