Puntland si layaab leh uga jawaabtey dalabkii Beyle ee xisaab-celinta

Image

GAROOWE, Puntland - Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa kasoo jawaabey hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ee ah in maamullada ku maqan tahay xiisab celinta lacago horey loo siiyay.

War-Saxaafadeed Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Puntland ay dowladda dhexe ka heshay 2017 iyo 2018 lacag gaareysa $450,000 [Afar boqol iyo Konton Kun oo doolar], taasoo ay ka bixisay sharaxaad fahfaahsan sida ay u qarash gareysay.

Waxay sheegtay in $296,000 [Labo Boqol iyo Sagaashan Kun oo doolar] lagu bixiyay qarashaadka dhameystirka iyo jinjiyeynta Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, taasoo lagu shubey Akoonka Salaam Bank [AC No: 80155473].

Waxaa inta hartay oo gaareysa $104,000 [Boqol iyo Afar Kun oo doolar] lagu bixiyay dhismaha jidka wasaaradaha, oo ay kabtey dowladda Puntland, oo ku dartey $136,000 [Boqol iyp sodon iyo Lix kun oo doolar], sida lagu sheegay qoraalka.

Wasaaraddda Maaliyadda Puntland ayaa saluugtay cadadka lacagtan la siiyay, madaama sida ay sheegtay dowladda Federaalka ay magaca Soomaaliya kusoo qaado deeqo dhaqaale oo boqolaal milyan oo dollar ah, taasoo qoondo aad u yar kasoo gaarta maamul goboleedyada dalka.

Wasaarada ma sheegin lacagaha Madaxweyne Gaas ka heley madaxda dowlada Federaalka ah kuwasoo inta badan aan soo marin xisaabaha dowlada ku leedahay xarunta bangiga dhexe ee ku yaal magaalada Garowe.

Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ayaa markii labaad labo bilood gudahooda soo saartey qoraal ay xisaab celin kaga dalbanayso dowlad goboleedyada, kaasoo baraha bulshada loogu diro madaxda maamullka xilli shirar uga socday Kismaayo iyo Garoowe.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM