Qarax ka dhacay Boosaaso iyo Wararkii ugu dambeeyay

Image

BOOSAASO, Puntland - Qarax culus ayaa saaka ka dhacay bartamaha magaaladda Boosaaso, ee xarunta Ganaacsiaga Puntland, kaasoo lala eegtay Gaari uu leeyahay Gudoomiyaha gobolka Bari.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in qaraxa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 3 ruux, islamarkaana uusan gudoomiyaha gobolka Bari la socon Gaariga xilliga la beegsanayay.

Gaariga gudoomiyaha oo ahaa nooca Hilux ayaa soo gaarey burbur, waxaana booliska oo tagey goobta oo ah nawaaxiaga Hotel Jubba ay baarayaan nooca qaraxa iyo cida ka dambeeyay.

Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareeray qaraxa kadib, iyadoo jugta laga maqlay qeybo badan oo kamid ah xaafadaha Boosaaso xili dadka shaqooyinkooda kusii jeedeen.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse waxaa qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya magaaladda looga bartay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo khal-khal gelin ku haya amniga gobolka.

Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Deni ayaa sheegtay dhawaan inay wado dib u habeyn dhanka amniga iyadoo ciidamada Puntland ay billaabeen howlgallo lagu xasilnayo Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM