Qarax ka dhacay Boosaaso iyo Wararkii ugu dambeeyay

Image

BOOSAASO, Puntland - Qarax culus ayaa saaka ka dhacay bartamaha magaaladda Boosaaso, ee xarunta Ganaacsiaga Puntland, kaasoo lala eegtay Gaari uu leeyahay Gudoomiyaha gobolka Bari.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in qaraxa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 3 ruux, islamarkaana uusan gudoomiyaha gobolka Bari la socon Gaariga xilliga la beegsanayay.

Gaariga gudoomiyaha oo ahaa nooca Hilux ayaa soo gaarey burbur, waxaana booliska oo tagey goobta oo ah nawaaxiaga Hotel Jubba ay baarayaan nooca qaraxa iyo cida ka dambeeyay.

Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareeray qaraxa kadib, iyadoo jugta laga maqlay qeybo badan oo kamid ah xaafadaha Boosaaso xili dadka shaqooyinkooda kusii jeedeen.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse waxaa qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya magaaladda looga bartay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo khal-khal gelin ku haya amniga gobolka.

Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Deni ayaa sheegtay dhawaan inay wado dib u habeyn dhanka amniga iyadoo ciidamada Puntland ay billaabeen howlgallo lagu xasilnayo Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM