Qareenada oo ku mitidaya kiiska Caasha xili mar kale qaateen racfaan

Image

GAROWE, Puntland – Qareenada u dooda xukumaneyaasha kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha llyaas Aadan ayaa mar kale racfaan ka qaatey xukunkii ay ayiday Maxkamada Racfaanka gobolka Nugaal.

Kadib fadhi ay magaala madaxda Puntland ee Garowe ka qabsoomey ayay xeer-beegtada ku taageertay xukunka dilka toogashada ah ee ay Maxkamada Rajada koowaad garka u gelisay shaqsiyaadkaasi.

Qareenada oo la sheegay in ay dood afeed wataan ayaa codsigooda u gudbiyey Maxkamada Sare ee dowladda Puntland, taasi oo la rajeynayo in ay muddeyso goorta ay dhageysan doonto gal-dacwadeedkan.

Maxamed Xareed Faarax, xeer-ilaaliye ku xigeenka Puntland, oo fadhiga maxkamadda kadib ka hadlay racfaanka ay qaateen qareenada ayaa kalsooni ka muujiyey in caddeymaha ay haystaan "aanan la burin karin".

Qareenada ayaa waxay tibaaxayaan in kalyeentiyadooda aysan gelin wax dambi ah, iyaga oo caddeymaha dacwad oogeyaasha ku sifeeyay "waxyaabo qiyaali ah".

Xareed oo qadiyaddan gacanta ku haya isla markaana aad ula socda ayaa wuxuu si weyn u soo dhaweeyay xukunka Maxkamada Racfaanka, isaga oo duray qareenadda.

"Maxkamada Sarre ma ahan mid mawduuci ah waa qaanuuni," ayuu yiri, isaga oo daba dhigay "Caasha cadaalad way ka heshay Maxkamada Darada Koowaad iyo tan Racfaanka, tan kelan wadadii ayey mari doontaa".

Mr Xareed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray "Waayo, waanu ku kalsoonahay caddeymaha aanu haysano, qareenaduna uma bisila, mana hayaan caddeymo ay ku burin karaa, ama ay dib ka keeni karaa".

Gal-dacwadeedka kufsiga iyo dilka ee Caasha, oo ahayd gabar 12-jir ah oo bishii Febraayo lagu qafaashey kahor inta aan jirdil, kufsi iyo dil la isugu darin, ayaa ah mid kamida mawduucyada aadka loo daneynayo geyiga Soomaaliya.

Dadka u dooda xuquuqda haweenka iyo midka aadanaha oo bogaadiyey talaabooyinka illaa iyo haatan ay hay’addaha garsoorka Puntland ka qaadayaan kiiskan ayaa rajo fiican ka qaba in ay kasoo bixi doonto "natiijo ay ku farxaan".

MUUQAALKA MAXKAMADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM