QM iyo Puntland oo iska kaashanaya ciribtirka gudniinka fircooniga

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley madaxa Hay’adda UNFPA Soomaaliya Mr. Anders Thomsen.

Kulanka waxaa Madaxweynaha Ku Wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Aamina Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Jaamac Faraax Muuse iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Inta uu kulanku socday, mas'uuliyiinta ayaa isla qaatay in Puntland iyo Hay'addana hoostagta Qaramada Midoobay ay iska kaashaadaan ciribtirka gudniinka fircooniga ah.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Cawil Sheekh Xaamud oo ka warbixiyey kulanka ayaa shaaca ka qaaday in qodobadii laga wadahadlay la isla gartay in la fuliyo.

“Maanta waxaa Madaxweynaha la kulmay madaxa UNFPA Soomaaliya Mr. Anders Thomsen oo ay wehelinaysey madax UNFPA Puntland Marayam Qaasim, waxyaabo badan ayaa laga wadahadlay waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha caafimaadka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, arrimaha FGM ka kulanka intiisa badan waxaa uu ku saabsanaa isbarasho guud iyo is xog waraysi," ayuu xusay.

Gudniinka fircooniga oo degaanada Soomaalida aad ugu badan ayaa la sheegaa in uu halis ku yahay mustaqbalka Gabdha, waxaana soconaya dadaalo lagu dabar-jarayo.

Puntland State House + GO

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM