Rajo laga muujiyay in Deni kaalin ka qaadan karo xalinta khilaafka Siyaasadeed

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo kamid ah wafdiga dowlada Federaalka ah ee ku sugan magaalada Garowe, ayaa rajo fiican ka muujiyay inuu soo idlaado is-marin-waaga DF iyo maamulada.

Khilaafkaan oo soo jiitamaya tan iyo sanadkii hore ayaa salka ku haya arrimo masiiri ah, oo ay isku fahmi waayeen dhinacyada sidii loo wajihi lahaa, taasoo dhalisay inay xiriirka ujaraan Madaxtooyada.

Mr Cawad ayaa tilmaamay in khilaafka dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada uu yahay mid la buun-buuniyo, islamarkaana uusan gaarsiisaneen heerka ay gaarsiineyso warbaahinta, isaga oo ugu baaqay inay joojiyaan.

"Khilaafka waa mid la buun-buuniyo..cid kasta oo uu wax ka dhaxeyso waa ay is-qabtaan…Ilkaha iyo carabka ayaana ugu horeeya wayna isku dhacaan," ayuu wasiir Cawad u sheegay Tv-ga SBC.

Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayuu kalsooni fiican ka muujiyay inuu door wanaagsan ka qaato isu-soodhawaynta labada daraf, kuwaasi oo haatan kuwada sugan caasimad goboleedka Nugaal.

"Kaalin fiican ayuu ka qaadan karaa, wuuna ka qaatay, madaxwaynaha Puntland waadna aragtaa inay haatan madaxdii DF iyo maamulada ay kuwada sugan yihiin," ayuu hadalkiisa dabadhigay.

Ugu dambeyntii, wasiir Cawad ayaa ku nuux-nuux saday in dowlada dhexe ay ka go’an tahay inay lasoo afjaro kala aragti duwanaanshiyaha haatan jira, islamarkaana lagu bedalo wadashayn iyo is-fahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM