Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guuleystay Xilka Madaxweynaha Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Gollaha Wakiilada Puntland ayaa ku doortay maanta oo Talaado ah, 8-da Janaayo 2019, Madaxwaynaha maamulkaan hogaamin doonta Shanta sano ee soo aadan, kadib doorasho ka qabsoontay magaalada Garowe.

Coddeynta oo laysla gaarey saddex wareeg ayaa waxaa kal-tankii 1aad ku haray Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], Madaxwaynihii hore ee Puntland, kadib markii uu helay kaliya 8 cod oo kamid ah Sharcidejiyaasha.

Wareega labaad waxaa ku baratantay saddex Musharax, kuwaasi oo kala ahaa; Asad Diyaano oo helay 30 cod, Saciid Cabdullaahi Dani, oo 29 ah iyo Faarax Cali Shire, oo 7 cod uruursaday, inkasta oo uu haray.

Saciid Dani iyo Asad Diyaano ayaa ku tartamay cod-bixinta wareega 3aad, taasi oo uu gabagabadii ku guuleystay Mr Dani markii uu helay codad dhan 35 cod, halka Musharaxii kusoo dhowaa ee Asad uu helay 31 cod.

Madaxwaynaha cusub, Saciid Cabdullaahi Dani, oo madasha ka hadlay, wuxuu umahad-celiyay dhamaan Xildhibaanada doortay, isaga oo balanqaaday inuu ka shaqayn doono horumarka DPL.

Ugu dambeyntii, Asad Diyaano, tartamaha laga guuleystay, ayaa ku dhawaaqay inuu u-hogaan-samayo natiijada doorashada kasoo baxday, isaga oo umahad-celiyay xubnihii codkooda siiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM