Saddex kamida dadkii loo haystay Kufsiga Caa'isha oo dil lagu xukumay

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Maxkamadda Gobolka Nugaal oo ku taalla caasimadda Puntland ee Garowe ayaa maanta xukun dil ah ku riday saddex kamida ragii loo haystay dilka iyo Kufsiga, Caa'isha Ilyaas, oo Bishii Febuary ee 2019.

Ragga la xukumay oo lagu kala magacaabaa, C/fitaax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige, ayaa laba kamida waxay yihiin walaalo.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa waxay fasaxday todobo kale oo loo haystay inay kiiskan ku lug leeyihiin markii ay ku weysay dambiga, sidda garsoorku ku dhawaaqay.

Xeer-beegtadda ayaa shaacisay in saddexda qof ee dilka lagu xukumay ay haystaan mudo bil ah oo racfaan uga qaadan karaan go'aanka Maxkamadda gaartey.

Maxkamadeynta raggaan oo soo bilaabatay horaantii bishaan May 2019 ayaa waxaa ay soo martay laba dhageysi, iyadoo mid kamida dib loogu dhigay qareenada.

Mid kasta oo kamida dhageysiga maxkamada waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin dowladeed, qoyska dhibanaha iyo dadwayne kale, iyada oo ay wax kasta u dhaceen qaab furan.

Dadka u dooda xuquuqda haweenka ayaa rumeysan in xukunkaan uu muujinayo sida dowlada Puntland uga go'an tahay ciribtirka xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Balse, waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in go'aanka maxkamada lagu fuliyo sida ugu dhaqsiyaha badan, inkasta oo madaxweyne Deni uu arrintaasi horey u balanqaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM