Saddex kamida dadkii loo haystay Kufsiga Caa'isha oo dil lagu xukumay

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Maxkamadda Gobolka Nugaal oo ku taalla caasimadda Puntland ee Garowe ayaa maanta xukun dil ah ku riday saddex kamida ragii loo haystay dilka iyo Kufsiga, Caa'isha Ilyaas, oo Bishii Febuary ee 2019.

Ragga la xukumay oo lagu kala magacaabaa, C/fitaax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige, ayaa laba kamida waxay yihiin walaalo.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa waxay fasaxday todobo kale oo loo haystay inay kiiskan ku lug leeyihiin markii ay ku weysay dambiga, sidda garsoorku ku dhawaaqay.

Xeer-beegtadda ayaa shaacisay in saddexda qof ee dilka lagu xukumay ay haystaan mudo bil ah oo racfaan uga qaadan karaan go'aanka Maxkamadda gaartey.

Maxkamadeynta raggaan oo soo bilaabatay horaantii bishaan May 2019 ayaa waxaa ay soo martay laba dhageysi, iyadoo mid kamida dib loogu dhigay qareenada.

Mid kasta oo kamida dhageysiga maxkamada waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin dowladeed, qoyska dhibanaha iyo dadwayne kale, iyada oo ay wax kasta u dhaceen qaab furan.

Dadka u dooda xuquuqda haweenka ayaa rumeysan in xukunkaan uu muujinayo sida dowlada Puntland uga go'an tahay ciribtirka xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Balse, waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in go'aanka maxkamada lagu fuliyo sida ugu dhaqsiyaha badan, inkasta oo madaxweyne Deni uu arrintaasi horey u balanqaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM