Saraakiil sare oo kasoo wareegey maamulka Somaliland

Image

BADHAN, Puntland - Saraakiil Somaliland uga howlagli jirey gobolka Sanaag ayaa u soo wareegey dhinaca Puntland, waxaana goobjoog ahaa munaasabad loo sameeyey kala wareegaas Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland.

Labada Taliye ayaa maamulka Hargeysa u kala qaabilsanaa aaga Badhan iyo Ciidamada Badda Sanaag. Gurey Cismaan Saalax oo ah sarkaal caan ka ah gobolka Sanaag ayaa fadhigiisu ahaa magaalada Badhan isagoo halkaas ku haystey ciidamo.

Gobolka Sanaag ayaa wayadaan dambe waxaa ka socdey isbadalo dhinaca ciidamada ah, iyadoo saraakii ka soo jeeda degaankaas oo la shaqeyn jirey Somaliland u soo wareegeen dhinaca Puntland.

Talaabooyinkaan ayaa bilowdey kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland dagaal kooban bishii May ee sanadkaan la galeen wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Munaasabada lagu soo dhoweeyey ciidamadaan kala wareegey ayaa waxaa loogu sameeyey degmada Badhan iyadoo dadweyne farabadan kasoo qayb galeen.

Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa dhowaan dalacsiiyey una magacaabey taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Booliiska Puntland Caydiid Axamad Nuur. Taliyahaan oo ahaa Korneyl ayaa loo dalacsiiyey Sareeye Guuto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM