Sarkaal isagoo weesaysanaya lagu dilay waqoyga magaalada Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Madaxii xafiiska hay'adda socdaalka ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil [Farey] ayaa fiidnimadii Jimcada, 10-ka April, sanadka 2020 la toogtay.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiin, dableyda geysatay dilka ayaa ka baxsatay meesha ay wax ka dhaceen, waxaana ku raadjooga ciidamadda ammaanka oo durba bilaabay howlgalo saf-balaaran leh.

"Marxuumka waxaa la bartilmaameedsaday isagoo weesaysanaya salaada marqib," ayay Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal.

Illaa iyo hadda, fahfaahin buuxda lagama bixin qaabka uu falku u dhacay. Balse, wararka ayaa tilmaamaya in lagu beegsaday masjidka Hudda, xaafadda Israac ee waqoyga xarunta gobolka Mudug.

"Kooxaha hubeysan oo marxuumka ka abaaray qeybaha sarre ayaa ahaa afka kusoo duubtay mara madow ah," ayuu yiri qof ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen oo u waramay warsidaha GO.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdada lagu khaarijiyey Faray, oo qorsuhu yahay in lagu aaso isla gudaha Gaalkacyo.

Hay'addaha nabad-gelyadda ayaa tibaaxay in ay saxaafada lasoo wadaagi doonan macluumaadka kasoo baxa baaritaanka ay ku bilaabeen kiiska.

Bilooyinkii lasoo dhaafay Gaalkacyo waxaa kusoo kordhay beegsiga mas'uuliyiinta iyo wax-garadka, iyaddoo xukuumadda Deni ay ku adkeysatay in ay xididaha u siibi doonto maleeyshiyaadka argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM