Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Sarkaal ka tirsanaa hay'adda dambi-baarista dowladda Puntland ayaa xalay waxay dabley ku dishay waqoyga magaaladda Gaalkacyo, sidda uu xaqiijiyey taliska booliska gobolka Mudug.

Marxuum Cumar Maxamed Samatar oo ay beegsadeen kooxaha hubeysan xilli uu kusii jeeday hoygiisa ayaa ku naf-waayey isla goobta, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, intaas ku daray in dableydu baxsatay.

Sidda ay warbixinadda muujinayaan, gacan-ku-dhiigleyaasha waxay tiradoodu ahayd saddex waxaana ay ku carareen mooto Bajaaj.

Taliyaha booliska gobolka Mudug, Muu’min Cabdi Shire oo u waramay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen qof la tuhunsan yahay in uu kaalin ku lahaa falka khaarijinta.

"Waxaa la yaqaanaa cidda dilalka noocaan ah fulisa. Cid kale ma ahan waa manaxayaashii Al-Shabaab. Horey ayaan uga fashilinay falal kale. Waxaana baaritaan ku wadnaa qofka aan u soo qabanay dilka," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in la maxkamadeyn hadii dambi lagu helo.

Marka laga reebo sheegashadda taliyaha, ma jiro war rasmi ah oo Al-Shabaab kasoo saartey ama ku sheegatay dilka marxum Samatar.

Bishii hore ee Maarso 1-keeda ayay ahayd markii Al-Shabaab ay waqoyga Gaalkacyo gaar ahaan mehradiisa ganacsi ay ku dishay wariye Jamaal Faarax Aadan kaasoo ay ku eedeysay in uu sarkaal mukhaabaraad ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM